Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ka dhawaayeen ciidamadda Dowladda Sooomaaliya,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,sidoo kale 3-ruux oo shacab ah ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaay ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here