Hogaankii Ahlusunna Waljameeca ayaa la ogaaday inay ka dambeeyeen weerar dhimasho sababay oo ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Guriceel waxaan xalay saldhiga degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsanaa Hogaankii ahlusuna ee looga adkaaday siyaasadda Galmudug.
Waxaa la sheegay in iska hor imaadka uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac,islamarkaana ciidamadii taabacsanaa Ahlusuna ay dib ugu laabteen deegaankii ay kasoo duuleen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hogaanki ahlusuna ee looga adkaaday siyaasadda Galmudug ay haatan wadaan abaabul ka dhan Dowladda Dhexe iyo Galmudug.
Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa caddeysay in aysan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray iyaga iyo dowladda federaalka ama maamulka Madaxaweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Maaxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee ururkaas ayaa eedeymo badan loogu soo jeediyay dowladda federaalka.

