Amaro iska soo horjeedo oo ay soo rogeen Maamulada Soomaliland iyo Puntland ayaa saameyn xoogan ku yeeshey dadka ku nool qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Sanaag siiba dhanka Waqooyi ee Gobolkaasi .
Degmada Laasqorey ee Gobolka sanaag ayaa waxaa ka soo baxayso qeylo dhaan ku aadan in uu sixir barar uu cirka isku shareerey kadib markii ay dadku waayen Maciishadi Quutul Daruuriga ahayd , nolol Maalmood kooda iyo Isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee kaga imaanayey Gobolada Bari iyo Waqooyi Galbeed .
Arintaan waxa ay xoogay satay kadib markii Maamuladda Puntland iyo Soomaaliland ay soo rogeen Amaro dhigaya in ay guud ahaanbo xireen Dhaqdhaqaaqyadii Gaadiidkii ubixi jirey Gobolada Waqooyi ee ay dariska yihiin Maamulada Soomaliland iyo Puntalnd
Gudoomiyha Degamda Laasqorey ee Gobolka Sanaag C/laahi Axmed Maxamuud oo lahadley Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Puntland waxa uu ugu baaqey in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka xilligaan Go’doonka uu soo wajahay ee ku sugan Waqooyiga Gobolka Sanaag iyo sidoo kale Deegaanda hoos taga Degdama Laasqorey .
Amar dhawaan ka soo baxay Madaxwenaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa lagu sheegey in Guud ahaabo ay Bandow gashay Punland sidoo kalana laxirey Xuduudaha ay Puntland ay la wadaagto Gobolada Waqooyiga Bartamaha Soomaliya iyo Kilinka shanaad si looga Hortago Faafitaanka Xanuunka Covid19 ee Guud ahaanbo Saameyey Caalamka.

