Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub+Sawirro

0

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeeg cusub, oo loogu magac-daray (Subcis).

Adeeggan ayaa ah mid loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed, ee uu saamaynta ku yeeshay xanuunsidaha COVID-19, ee ka dhashay Coronavirus.

Subcis waa adeeg cusub oo Shirkadda Somtel ugu talagashay dhammaan Madarisadaha dhiga Qur’aanka kariimka ah

– adeeggani waxa uu kaa caawindoona in Ardayda oo Guryahooda jooga aad si fudud u bari karto Qur’aanka kariim,maadaama saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay la fasaxay Madrasadaha Qur’aanka Kariimka lagu barto, si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus, Shirkadda Somtel oo ka jawaabeysa codsiyada uga yimid bulshada Soomaaliyeed, misena fulineysa rabitaanka ubadka Soomaaliyeed ayaa waxay soo kordhisay adeegga Subcis.

Maamulka Somtel waxay adeegga Subcis ku sheegeen inuu yahay mid lagu dhiiragelinayo Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka iyo ardayda wax ka barata, si aanu hakad ugu imaan daruustii ay qaadanayeen.

Adeeggan ayaana Macalimiinta u sahlaya inay casharada siiyaan ardayda, ayagoo guryahooda joogga. Ardayda ayaa sidoo kale daruusta ku qaadan kara, ayagoo guryahooda ku sugan, isla-markaana adeegsanaya teleefanadooda Somtel.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here