Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Fagax iyo Masaajidka Turkiga oo ku dhow Mowlaca Shiikh Cali Cabdulle.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa lala eegtay gaari dagaal ay la socden ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya,islamarkaana khasaare uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale burbur xoogan ayaa soo gaaray dhismayaashii goobta ka ak dhawaa iyo sidoo kale gaadiid bajaaj oo goobta marayay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here