Wasiir Islow oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii  Dhaqan Celinta Shabaabka Soo goosta

0

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa xilka ka qaaday agaasimihii barnaamijka dhaqan celinta dhalinyarada ka soo goosata Xarakadda Al Shabaab.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Xuseen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in agaasimaha xilka laga qaaday is khilaafeen wasiirka.

Dhanka kale isla warqadda ayaa lagu magacaabay  agaasimihaha cusub ee barnaamijka dhaqan celinta dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab.

Xilkaan ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdulaahi Nuur.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here