Waare oo Ku Dhawaaqay In uu Is Karantiilay

0

Madaxweybaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay in uu is Karantilay, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twiter-ka ayuu waare ku sheegay in uu is karantiilay.

“Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Laakiin waan fiicanahay. Waxaan doortay inaan is-karantiiliyaan todobaadyadii u dambeeyay si aan taxaddar iyo tusaale ugu noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqsiyaad xiriir la sameeyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Khaliif Muumin oo shalay u geeriyooday cudurka Coronavirus.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here