Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka Sarlkaal ka Tirsanaa Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka Deeganadda Maamulka Puntland.
Sarkaalka ayaa la dilay isaga oo weyseysanaya Xaafadda Garsoor ee Woqooyiga Magaaladda gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Fareey) oo ahaa madaxii laanta Socdaalka ee magaalada Gaalkacyo.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka
“Fareey Xuseen Xaaji oo kamid ahaa saraakiisha Dowlada ayay mujaahidiintu ku dileen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab ay faafisay.

