Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xirey qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadooyinka xiran waxaa kamid ah Wadada Wadnaha iyo wadada Maka Al-Mukarama ee Magaaladda muqdisho.
Sidoo kale waxaa xiran Isgoysada Sanca, Jardiinka, Siinaay, Folorenza, Howlwadaag iyo Tarabuunka, Geed jaceyl, Aadan Cadde iyo isgoyska Bakaaraha.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad kusoo lugeeyay wadooyinka xiran,ciidamadda ayaa halkaas u diidaya gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan sida bajaajta,waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamadda Booliska oo hubeysan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshaha Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya uu yahay in yareeyo dhaqdhaqaayadda shacabka Magaaladda muqdisho cabsidda Cudurka Carona-virus.

