Fariin loo Direy Shaqiyaad Shisheeye uu Adeegsanayo oo Xadgudub Ka Wada Xeebaha

0

Guddiga Dakaha ee gaadiidka Badda ee Barlamanka  Fadaralka  soomaaliya ayaa dignin adeg udirey  Shaqsiyaad la sheegey ku Howlan Ku xad gudbidda Xeebaha Jamhuuriyada Soomaliya ee dhinacyada  Gobolada Jubbada /hoose iyo Gobolka Banaadir .

gudiga ayaa walaac ka muujiyey shaqsiyaal u Adeegayo Dalal shisheeye in  ay xeebaha Soomaaliya ka wadan Falal halis ku ah Bad qabka Ummada Soomaaliyeed islamarkaan ay jiraan doonyo lagu keenayo maadooriyal uu kamid yahay qaadka kuwaas oo si sharci daro ah oo qarsoodi ah lagu soo galinayo Dalka qaybaha kala duwan ee tirsan Xeebaha Gobolada Jubboyinka iyo Gobolkani Banaadir ee magaalada Muqshido .

Xillibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Gudiga Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Golaha shacabka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Dignin Adag udirey Shaqsiyaad sida la tilmaamay Doonyaha Qaadka kusoo Daabulayo islamarkaan keenayo Magaalada Muqdisho iyo  Magaalooyinka kale ee Xeebaha Saaran ee Dalka Soomaaliya Asaga oo na sheegey in dadkaas ay ku xad gudbeen Qaranimada Soomaliya islamarkaana ay ku dhaqaaqayan falal halis ku ah Bad qabka Ummada Soomaaliya Waxa uuna sheegey in qaadku uu kamid yahay wax yaabaha laga mamnuucay in Dalka lasoo Galiyo  maamaada Wadanka  kenya oo laga keeni jirey uu ka Dilaacay Caabuqa Covid19  sidoo kale Xillibaanku waxa uu fariin udirey hay’adaha ku shaqada leh ee ay arintaan quseyso ee Dowlada Federalka Soomaaliya in ay tilaabooyin Deg deg ah qaadan isla markaana uyeeshaan foojignana dheer .

Xildhibaana ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ka Danbeyso qaadka Lagu soo daabulayo Soomaaliya arintaas oo ku tilmaamay mid lagu Xumeynayo Dowladda Soomaaliya lana Doonayo in Halis la galiyo Caafimaada Bulshada Soomaaliyeed.

Hadalka Xillibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa  yimid kadib markii dabayaaqadii Bishii aynu soo dhaafnay ee Much Dowlada Federaalka Soomaaliya ay joojisey Dhaman Duulimaadyadii Caalamiga aha  iyo  kuwii gudaha Soomaliya sidoo kalana hakisay Xarumaha waxbarasha iyo goobaha dadku iskugu yimaadaan  silooga hortago Faafitanka Caabuqa Covid19 oo noqdey Xanuun Caalamka oo dil saameeyay islamarkaana soo ritey Wadamo Badan oo Aduunka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here