Dad Badan oo Magaaladda Muqdisho Ugu Dhintay Carona-virus+Dhageyso

0

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Cudurka Carona-virus uu soo gaarey Gudaha dalka Soomaaliya,islamarkaana uu si weyn bulshadda ugu faafay.

Cumar Filish oo ka hadlayay dhigax dhiga wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada gaar ahaan wadada isku xirta Isgooska Boondheere iyo isgooska Siinaay oo ah wado aad u burbursan oo isticmaal keedana ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jirten ayaa sheegay in shaqsi ahaan u ogyahay dad u dhintay Carona oo ku noolaa Magaaladda muqdisho, dalkana aan ka bixin kuwa kalana aan wali la aasin.

”Muqdisho waa soo gaaray cudurkaas qatarta ah, dad badan ayaa u il daran qaarna waa u dhinteen aan anigu garanayo oon dibad ka imaan oo dalkooda joogay, dadkaasi dhintay qaarna waa la aasay qaarna wali lama aasin ” ayuu yiri Cumar Filish.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay shacabka in ay qaataan talooyinka ku aadan ka hortaga Carona-virus.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here