Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed oo xalay ka dhacay Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo tuulooyin hoos yimaada.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii shalay Degmadda Walan-weyn lagu gubay Nin la sheegay in Madaxa looga jirey oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ku dhawaad 4-tuulo xalay la gubay,islamarkaana sidoo kale nolosha lagu gubay nin kale oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmadda Walan-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya In xaaladda ay saakay dagan tahay,islamarkaana dhinacyadda dagaalamay ay wali is horfadhiyaan.

