Taliyihii Saldhigga bartamaha Magaaladda Gaalkacyo gobalka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sababeeyey is casilaadiisa, kadib markii laga jawaabi waayey baahiyaha aasaasiga ah ee Saldhiga dhexe ee degmada Gaalkacyo.
Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ayaa Taliyaha Saldhigga bartamaha ee degmada Gaalkacyo loo magacaabay 2-dii bishii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafay 2019, wuxuuna xilkaas hayey muddo Siddeed bilood ah.

