Wararka naga so gaaraya dagmada janaale ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi ay weerar ku qaadeen Alshabaab saldhiga ciidamadDa dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Degmadda Janaale.
Weerarkaan ayaa sababay dhimashada afar askari oo ka tirsanaa ciidamadda dowladda Federaalka Somaliya.
Sidoo kale weeraro is xigxiga oo ka dhacay deegaanao ka tirsan gobalka jubbada Hoose ayaa sababay dhimashada iyo dhaawac qaar ka tirsanaa ciidamadda Darawiishta ee Jubbaland gaar ahaan deegaan jaziirad ah oo ku taala duleedka magaaladda kismaayo halkaas oo ay sheegeen in ay ku dileen 2 sarkaal oo ay sheegeen inay la shaqeenayeen Ciidamada kenya ee ku suganaa Jubooyinka.
Dhanka kale deegaanka baar sanguuni ee gobalka Jubbadda Hoose waxaa ka dhacay weerar lagu dilay askar ka Tirsanaa ciidamadda Dowladda Soomaliya.
Mas’uuliyadda weerarada iyo dilalakasi waxaa sheegtay alshabab iyadoona barahooda tuwiterka ay ku leeyihiin ay kusoo daabacay inay guud ahaan ay ka danbeeyeen weeraradaas iyo dilalkaasi lagu beegsanayay qaar ka mid ah ciidamada dowladda Somali o ku sugnaa deganadaasi.

