Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa jirtay in wadahadallo ay usoconayeen madaxweynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam axmed madoobe iyo labadii murashax ee kulatartamay xilka madaxweynaha maamulka jubbaland doorashadii dhalisay muranka ee kaqabsoontay magaalada kismaayo ee xarunta gobalka jubbada hoose bishii August ee sanaddii 2019.
Dowladda Kenya ayaa dhaxdhexaaadineysa hogaanka jubbaland iyo sidoo kale xubnaha kasoo horjeeda maamulka jubbaland oo ay kamidyihiin C/rashiid xiddig iyo sidoo kale cabdi Naasir seeraar waxaana jirta hadalheyn laxariirtay in hishiis ay wadagaareen madaxweynaha maamulka jubbaland iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda hogaanka maamulka jubbaland.
Xillibaan faarax ceyduruus axmed oo kamid ah xillibaanada isbadaldoonka maamulka jubbaland ayaa shaaca kaqaaday in xillibaanada isbadaldoonka jubbaland oo tiradooda ay gaareyso 100 aysan marnaba aqbali doonin hishiis dhexmara madaxweynaha maamulka jubbaland axmed madoobe iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka jubbaland waxa uuna intaasi kudaray in aysan marnaba tanaasuli doonin xillibaanada isbadaldoonka jubbaland.
Waxa uu sheegay in qorshaha arintaan ay hogaaminayso Dowladda Kenya,islamarkaana kulansiisay usoconayeen madaxweynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam axmed madoobe iyo labadii murashax ee kulatartamay xilka madaxweynaha maamulka jubbaland

