Mas’uuliyiin Ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Xillibaano Deegaan Doorashadoodu ay tahay Koonfurta Gobolka Mudug Ayaa Maanta gaarey Deegaano hoostago Degmada Xarar dheere ee koonfurta Gobolka mudug , halkaas oo ay mudo dheer horey u Maamulayeen Al-shabaab.
Mas ‘uuliyiin katir san Maamulka Mudug oo halkaas gaarey ayaa sheegey in ay u kuur galayaan Xaladaha kala duwan ee deegaanadasi ka jira sida amniga, arimaha bulshada iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan bulshada ku dhaqan deeganada hoostaga degmada Xarer-dheere sidoo kale waxa ay sheegen in ay ay san dadku helin xaquuqdii ay ku la haayeen Maamulka Galmudug ,halkaas oo muddo Dheer Go’doonsanayd islamarkaan ay Al-shabaab Maamulayeen .
Xilliban C/risaaq Cali Axmed oo ka tirsan Baarlamaan ka Maamulka mudug islamarkaan Hogaaminayo Waftiga ayaa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho Faahfaahin Kasiiyey Deeganada ay tageen iyo kuwa xilligaan aykusii wajahan yihiin ee hoostaga Degmada xarer Dheere Asaga oo Sheegey in Dadku ay dhibaatooyin Badan oo kala Duwan qabaan islamarkaan aysan
Helin adeeg yadii ay ku lahaayen Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowlada Federalka Soomaaliya kuwaas oo muddo Dheer ku jirey Go’ doon islamarkaan Al Shabaab Ay Sannado badan Maamulayeeen.
Xilibaanka ayaa xusey in ay xooga saarayaan sidii dadka kunool Deeganda hootaga Degmada Xarer Dheere ay u heli lahaayeen Xuquuqdii ay ku lahaayeen Maamulka Galmudug islamarkaan ay Gaarsiinayaan Maamulka Gal-mudug.
Waftigan ayaa ku soo Aadaayo Xilli Bulshada Ku dhaqan Koon furta Gobolka Mudug aysan Ka helin Adeegadii iyo Xuquuqdii ay Ku lahaayeen Maamulka Gal Mudug Maadama Sannado Badan ay Godoon Ku jireeen Islamarkaana ay Maamulayeen AlShabaab .

