Wararka ka imaanayo Degmada Luuq ayaa kusoo waramaya in Cutubyo hor leh oo ka tirisan Ciidanka Milatariga Itoopiya ay halkaas kasoo Gud bayaan Islamrkaan ay gudaha usoo galayaan Soomaliya kuwaas oo qeyb ka noqonaya Ciidamada Cusub ee Meleteriga Itoopiya ee dhawaan soo galay Gobolka Gedo islamarkaana la tilmaamay in ay qeyb ka noqonayaan Ciidamadda Howlgalka AMISOM gaar ahaan Ciidamada ka Socda Wadanka Itoopiya .
Wararka ka imaanayo Degmada Luuq ayaa sheegaya in Ciidanka Meleteriga Dalka Itoopiya ay Dhaqdhaqaaqyo culus maanta ka wadaan halkaas ayagoo sidoo kale hawada ka saaray isgaarsinta waxana la xaqiijiyey in halkaas ay ka soo gubinayaan Cutubto cusub oo oo ka mid noqonaya Ciidamadda meleteriya ee Dalka Itoopiya islamarkaan ka howl galayo Gobolka Gedo
Mas ‘uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdusho u sheegey in dhaqaaqyada ka soconaya Gobolka Gedo ay wadaan Ciidamadan Dalka itoopiya ay yihiin kuwo xadgudub ku ah Madax banaanida iyo Jiritaanka Soomaaliya waxa ayna xuseen in Ciidanka cusub ee meleteriga Dalka Itoopiya oo qaar kood ay Isbuucyo ka hor soo galeen guhada Soomaaliya ay yihin kuwo aaan ku socon Waajibadka howl galka AMISOM waxa ayna tilmaameen in ay yihiin kuwo taageerayo Dowladda Federalka Soomaaliya islamarkaana Qal- qal galinaya Maamul Goboleedka Jubbaland.
Sidookale waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ee xilligaan ku sugan Deeganada Jubbaland ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee howl galka Ciimada AMISOM siiba Ciidanka Dalka kenya iyo sidoo kale Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboledka Jubbaland ay ku Filan yihiin Aminga Deegaanada Jubbaland islamarkaana aysan jirin Sabab ay Dowladada Federalka Itoopiya ay Ciidamo ugu Soo dirto Soomaaliya waxa ayna intaas kudareen in Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka Dal banayaan in ay joojiyaan Abaabul ay sheegen in ay kaga soo horjeedaan Maamulka jubbaland isla markaana ay u Adeegsanayaan Ciidamada Meleteriga Dalka Itooopiya .
Ciidamada Dalka itoopiya ee maanta gaarey Degamada Luuq oo lagu Eedeeynayo in ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Jiritaanka Maamulka Jubbaland ayaa yimid iyadoo Maalmo ka hor Wasiirka aminga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan Uu Ciidamo Geeyey Degmada Ceelwaaq ee Gobolka gedo kuwaas oo Midba midka kale uu ku Eedeynayo In uu isagu Wado Qalqal ka dhan ah Aminga Dadka ku Nool Gobolkaasi Gedo

