Puntaland oo Amartay in La Xiro Masaajida iyo Dugsiyadda Qur’aanka

0

Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan Masaajida iyo Dugsiyadda qur’aanka lagu barto ee ku yaala Deegaadda Maamulkaaas.

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Garoowe, ayaa amar ku bixiyay in mudo laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla deegaannada Puntland, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Wasiirka ayaa Culimadda ku dhaqan deeganadda Maamulka Puntland ka dalbaday in ay dhaqan galiyaan amarka kasoo baxay wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here