Gabar Sun Ku Cabtay Guriceel, kadib Markii Haween kale Lala Guursaday

0

Waxaa Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud isku dishay gabar la sheegay in ay ahayd dadka deggan magaaladaas.

Gabadha ayaa la sheegay in ay sun cabtay kadibna ay halkaa ku geeriyootay, dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa inoo xaqiijiyay in gabadhu ay guri isku xirtay kadibna ay cabtay sun taasoo keentay in ay u geeriyooto.

Waxaa la sheegay in gabadhaan oo ahayd qof xaas ah, uu Ninkii qabay la guursaday Haweenay kale, waxaana lasoo sheegayaa in ay ka xumaatay arrinta uu sameeyay Seygeedu.

Dhacdadaan ayaa Maanta siweyn looga hadlaayaa Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in markii ay maqleen geerida Gabdha ay ka naxeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here