Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa shaaca kaqaaday in todobaadki aynu soo dhaafnay ay fuliyeen duqeymo gaaraya 5 kuwaasi oo ahaa duqeyn dhinaca cirka ah sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa.
Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa hoosta kaxariiqay in iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda federaalka Somalia ay todobaadki aynu soo dhaafnay ay fuliyeen duqeymo dhinaca cirka ah kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso 5 waxaana duqeymahaasi laga fuliyay meel udhaw deegaanka jannaale ee gobalka shabeellaha hoose.
General William Gaylor oo ah agaasimaha howlgallada taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa shaaca kaqaaday in taliska mareykanka ee qaaradda Africa ay sii wadi doonaan duqeymaha ay labeegsanayaan goobaha ay kusuganyihiin dagaalyahannada Alshabaab.

