Madaxii Sakawaadka Al-shabaab Gobolka Shabeelaha oo La Qabtay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo qabtay madaxii sakawaadka Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgal ay fuliyeen ciidamadda Kumaandooska Dowlada Soomaaliya ayay kusoo qabteen sarkaalkaan xili uu ku sugnaa Nawaaxiga Deegaanka Janaale ee Shabeelaha Hoose.

Magaca Sarkaalkaan ayaa lagu sheegay Maxamuud Yuusuf magaciisha Af-garashaduna yahay Mansuur waxaana lala qabtay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas la socday.

Qabashadad Sarkaalkaan ayaa timid kadib markii ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay todobaadkaan la wareegeen Deegaanka Janaale ee Shabeelaha Hoose,waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo xubnaha shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here