Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 5-Million oo Dollar-ka Mareykanka loo qondeeyay in lagula tacaalo Caabuqa Cudurka Carona-Virus.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shaaciya in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19.
Sidoo kale Raisulwasaraha ayaa ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maanta oo arbaco iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkaan xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Cudurka Carona-virus,waxaana la hakiyay muddo 15-cisho ah duulimaayadda Caalamiga ah.

