Al-shabaab ayaa sheegay in qarax Ismiidaamin ahaa ay ku dileen Ciidamo ka tirsanaa kuwa Midowga afrika AMISOM gaar ahaan Kuwa Uganda.
Qaraxa Ismiidaaminta uu fuliyay dagaalyahan ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Buufow iyo Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmadda janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sanado kadib ka baxday gacanta dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,kadib markii ay halkaas gaareen ciidamadda Dowldda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahiyay in dagaalyahan ka Tirsanaa Shabaab uu isku qarxiyay kolonyo ciidamadda AMISOM ah iyo Soomaali isuga jiray oo wadada isticmaalayay.
Ugu yaraan 24 askari oo Yugaandhees ah ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale.
Dhanka ciidamada dowladda federaalka waxaa Qaraxa Ismiidaaminta looga dilay 9 askari oo labo kamid ah ay Bankrafta yihiin, halka ay ka dhaawacmeen 8 askari.

