Shirka Wada-tashiga Puntland oo Magaaladda Garoowe Ka Furmaya

0

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka puntland waxaa maanta ka furmaya Shirka Wada-tashiga Puntland oo uu 7-February ee sannadkaan  iclaamiyay madaxweyne Saciid C/laahi Deni.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo mas’uuliyiinta ku matala heer Federaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Qurba-joogta, qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhanka kala waxaa aad loo xadiday in  shirkaan ay ka qeyb gasho warbaahinta Madaxa Banaan,lamana oga waxyaabaha shirka looga hadlaayo.

Amaanka Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga sugaya ciidamadda amaanka Maamulka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here