Dowladda lubnaan ayaa lagu wadaa maanta ay ku dhawaaqdo xaalad deg deg ah oo caafimaad kadib markii uu dalkaas saameeyn xooggan ku yeeshay cudurka karoona faayris kaasi oo saameeyn mug leh kuyeeshay guud ahaan waddamada caalamka waxaana xusid mudan in cudurkan ay u geeriyoodeen in kabadan 5000 oo qofood kuwaasi oo intoobada badan kugeeriyooday dalka shiinaha.
Dowladda lubnaan ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo gabi’ahaanba in laxiro goobaha waxbarashada kuwa dowladda leedahay iyo sidoo kale kuwa gaarka loo leeyahay marka laga reebo goobaha caafimaadka,farmashiyaasha iyo foornooyinka waxaana tallaabadan dowladdu ku dooneysaa in ay kaga hortagto faafida cudurka karoona faayris.

