Maamulka Puntland, ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo cid walba oo dharka huudheyda ah soo galisa xuduudaha Puntland.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Garoowe, ayaa shaaciyay in degaannada Puntland laga mamnuucay dharka loo yaqaan Huudheyda ee horay loo soo isticmaalay.
Waxa uu sheegay in suurtagal ay tahay in dharka huudheyda ee dibada laga keeno lagu soo dhexqariyo waxyaabo dhibaato u keeni kara bulshadda sida Cudurka Carona-virus.
Dhinaca kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in ay tallaabo sharciya ka qaadi doonaan gaadiidka aan Taarikada lahayn, isagoo xusay in aan mas’uul dowladeed iyo qof shacab ah midna loo ogolayn, in ay gaadiid bilaa Taariko ah wataan.

