Ganacsato iyo wasiiro katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegey in ay ka dambeeyaan dagaal beleed kusoo laalaabtey degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Nabadoon Abuukar Maamow Abtiyow oo kamid ah waxgaradka degmada Walanweyn ee Shabeelaha Hoose oo laso xariiray idaacad Simba ee Magaaladda muqdisho, ayaa sheegay in ay jiraan wasiiro iyo Ganacsato lacago ku bixinaya dagaal Beeleedyada ka dhaca Degmada.
Waxa uu ugu baaqay wasiiradda iyo Ganacsatadda arimahaaas ku howlan in ay joojiyaan,ayna ka shaqeeyaan Nabadda Degmadda Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

