Eheladda dad uu marekanku ku laayay qaybo kamid ah shabeelaha Hoose ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbadey in ay cadaalad u helaan ehelkoodda.
Liibaan aadan Barre oo walaalkiisa ku waayay duqeyntii Mareykanka uu ka geystay janaale Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay si ku talagal ah ay u duqeeyaan Gaari Homey ah oo kusoo wajahnaa Magaaladda muqdisho.
Waxa uu sheegay in dadka gaariga saarnaa ay ahaayeen dad ehel ahaan isku dhow,islamarkaaa ay meesha kuwada dhinteen.
Liibaan aadan Barre ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay ka garaabto dadkii lagu laayay Janaale Shabeelaha Hoose.
Mareykanka ayaa habeen hore duqeeyay gaari Caasi ah oo kasoo baxay Deegaanka Janaale Shabeelaha Hoose.
Gaariga ayaa lagu duqeeyay xilli uu ku socdaalayay tuulada Ugunji, oo hoos-tagta Janaale, waxaana goobtaasi ku dhimatay shan qof, oo midi uu yahay wiil 13 jir ahaa.
Magacyada shanta qof ee duqaynta ku dhimatay ayaa kala ahaa Maxamed Axmed Shiikh Isaaq, Cabdiraxmaan Cali Waadhoor, Cabdiweli Aadan Barre oo ahaa darawalkii gaariga, Cabdifitaax Farxaan Maxamuud Maxamed oo 13 jir ahaa iyo oday da’ ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullaahi.

