Madaxweynaha Maamulka KOONFUR Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisu u dhawaan u guuri doono magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Cabdi Casiis Xasan Mxamed (Laftagareen) ayaa warbaahinta u sheegay in dhawaan ay maamulkooda ay u guuri doonaan Baraawe, waxaa uu sheegay in wasaaradaha iyo qaybaha kale maamulka KGS ay u guuri doonaan Magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

