Shirar Siyasadeed oo Ka Dhan ah DFS oo Ka Bilowday Magaalada Garoowe

0

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in lagu qabto Shirar siyasadeed ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirarkaan oo dhici doona maalmaha soo socda ayaa waxaa qaban-qaabadiisa leh Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni,waxaana ka qeyb galaya xubno kala duwan.

Xubnaha shirka ka qeyb galaya waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo dalka dibadiisa ku maqnaa mudda 13-bilood ah isagoo 2-February 2019 ka dhoofay magaalada Garoowe kadib doorashadii Puntland ka dhacday 8-January 2019 ee lagu doortay madaxweyne Deni.

Sidoo kale waxaa shirka lagu martiqaaday Xubno ka socda Madasha  Xisbiyadda Qaran sida Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed iyo xubno kale oo kasoo horjeeda siyaasadda dowladda Dhexe.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya Hogaankii Ahlusunna Waljameeca ee dhawaan looga adkaaday siyaasada Dowladd Goboleedka Galmudug kuwaasi oo dhawaan gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland,kadib makii ay ka baxeyn Magaaladad Dhuusa-mareeb.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay ajendayaasha shirka looga hadli doono ay qeyb ka yihiin amniga, doorashadda soomaaliya ka dhacaysa 2021-ka, in laga soo horjeysto in muddo kordhin ay sameystaan Madaxda haatan talada haysa.

Shirarka ka dhanka ah Dowladda ayaa mudooyinkii dambe ka dhacayay dalka dibadiisa kii ugu dambeeyay ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Ankara ee Caasimadda dalka Turky-ga,waxaana shirkaas ka qeyb galay ilaa 6-xisbi.

Siyaasiyiinta iyo xisbiyada dalka ka jira ayaa haatan kordhinaya kulamo ay ku dhaliilayaan Madaxda Dowladda Soomaliya iyo ka hadalka Doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here