Ciidama Cusub oo wata gaadiid Dagaal ayaa maanta ka Gubey Xuduud-Beeneedka udhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya kuwaasi oo gaaray Magaaladda Mandheera ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya halkaas oo Cabsi Xoogan laga Dareemayo taasi oo ku aadan Xalaada Colaad ee ka soo Cusboonaatay Gobalka Gedo.
Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegay inay Wataan ku dhawaad 10-gaari oo nuuca Dagaalka ah waxaa ayna Ku Biireen Ciidankii Jubbaland ee horey ujoogay Magaalaada Mandheera,kuwaas oo ay hogaaminyaan Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janaan) sida ay noo sheegeen Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Ku sugan Xuduuda Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera.
Ciidankaan gaaray Magaalada Mandheera ayaa sara u qaaday Cabsi Xoogan oo laga qabo in Dagaal uu dib uga qaraxo Magaalada Baladxaawo ee Gobalka Gedo,oo Ciidanka Dowladda Soomaaliya Difaacyo Dagaal ay ka Sameysteen ka dib markii dhawaan ay Ciidamada Jubbaland kala wareegeen gacanku heynta Magalada Baladxaawo ee Gobalka Gedo.
Dadka Shacabka ah ee Maamul ahaan ka tirsan Dalka Kenya ayaa wali ka barakacay Magaalada Mandheera iyo Deegaanada hoosyimaada, kuwaasi oo ka cabsi qabo in Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ay Gudaha soo galaan Maadaama sida la sheegay Magaaladaasi ka so Socdaan falal ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya.
Maamulka Gobalka Gedo ayaa sheegay in heleen Xog muujinaysa in Ciidanka Jubbaland oo taageero Ciidan ka helay, Dowladda Kenya ay isku diyaarinayaan sidii ay dib ugu qabsadaan Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo,
Mas’uuliyiinka Maamulka Gobalka Gedo ayaa Tilmaameen inay ka Hortagayeen Xaalada Walba oo ka soo Cusboonaata Xuduud beeneedka Soomaaliya iyo Kenya.
Dhanka kale Dowladda Keyna ayaa markale Kordhisay Ciidankeeda ku Sugan soodinta udhexeysa Soomaaliya iyo Keyna gaar ahaan aaga-Magaalada Mandheera, sida ay noo Xaqiijiyeen ilo ku sugan Magaalada Mandhera, kuwaasi oo xusay in Saacadi la soo dhaafay ay Magaalada soo gaareen Ciidan Kenyaati ah oo wata Saanaad Culus oo xoga Dagaalka ah.

