Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland,ayaa ku waramaya in Isbaheysi ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya uu qorshihiisu ka socda Magaaladda Garoowe.
Isbaheysigaan waxaa Hormuud ka ah Hogaankii Ahlusuna Waljameeca ee looga adkaaday siyaasada Galmudug dhawaana gaaray magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxdii Ahlusuna ay kulamo la qaateen Madaxda Maamulka Puntland,islamarkaanaay kala hadleyn sidii isbaheysi ka dhan ah Dowladda loo dhisi lahaa.
Macalin Maxamuud Shikh Xasan Faarax iyo Shiikh Shaakir oo looga adkaaday siyaasadda Galmudug ayaa haatan saldhigtay Magaaladda Garoowe,waxayna dhawaan sheegeen in ay ka tanasuleen siyaasada galmudug.

