Ciidanka Kenya oo Soomaaliya Isaga Bixi Doona

0

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay qorsheyneyso maalmaha soo socda in ay billowdo wadahallo laxariira qorsha kabixitaanka ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee somalia.

Wargeyska Daily Nation ee kaso baxa dalka Kenya ayaa shaaca kaqaaday in maalmaha soo aaddan larajeynayo xoghayaha  difaaca dalka Kenya Monica Juma in ay billowdo qorsha ciidamada Kenya looga saarayo ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa amisom ee somalia si sanadda 2021 kenya usoo gabagabeeso kamid ahaanshaha ciidamada amisom oo lafilayo in gabi,ahaanba laga saaro ciidamada Amisom dalka somalia.

Kenya ayaa dooneysa in ay soo gabagabeeso 8 sano oo ciidamada Kenya ay qeyb ka ahaayeen howlgalka Amisom ee somalia waxaana ciidamada Kenya ay kahowlgalaan qeybo kamid ah koonfurta somalia gaar ahaan gobolka jubbada hoose iyo gobalka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa markii ugu horreysay waxa ay kasoo tallaabeen xadka waddamada somalia iyo Kenya  16 bishii October sanaddii 2011 waxaana sanad kadib ciidamada Kenya ay qeyb kanoqdeen ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee somalia iyadoo dagaallo xooggan ay lagaleen dagalyahannada Alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda dowladda federaalka somalia iyo ciidamada Amisom waxaana xusid mudan in dowladda Kenya ay wajaheyso caqabado xooggan oo kasoo wajahaya weerarada Alshabaab ee kafuliyaan qeybo kamid ah gobalka waqooyi bari dalka Kenya iyo sidoo kale weeraro toos ah oo Alshabaab ay kafuliyaan gudaha dalka Kenya.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada midowga Africa Amisom ee kusugan somalia ayaa lafilayaa in gabi,ahaanba ay isagabaxaan dalka somalia sanadda 2021 waxaana jirta in howlgalka Amisom ay wadaan qorshaha kalaguurka iyo sidii amaanka dalka loogu wareejin lahaa ciidamamada dowladda federaalka somalia marka kabaxaan dalka ciidamada Amisom sanadda 2021.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here