Wararka Ku Saabsan in Ciidamdda Jubbaland Looga Adkaaday Dagaalkii Balad-xaawo

0

Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkii shalay lagu jabiyay ciidamadda Dowladd goboleedka Jubbaland.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo si aad ah u hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Wasiir C/rashiid Janan ay ku lahaayeen xadka Soomaaliya iyo kenya ee Mandheera,islamarkaana ay kusoo jabiyeen.

Waxa ay sheegeen in dagaalka khasaaraha ugu badan uu gaaray ciidamadda Dowladd Goboleedka Jubbaland,islamarkaana dib ay kasoo soo sheegi doonaan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo looga hadlaayo dagaalkii shalay ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here