Tirada dadka udhimanaya cudurka koroono faayris ayaa sii korortay iyadoo saaameeynta cudurkaasin  ay sii kordheyso.

0

Inkabadan 3 kun oo qofood ayaa ugeeriyoortay caalamka cudurka koroono faayris oo saameeyn xooggan kuyeeshay waddamada caalamka waxaana jirta in dalka shiinaha maanta 43 qofood oo horleh ay ugu geeriyoodeen cudurka koroono faayris tirada dadka caalamka ee uu haleelay cudurka koroono faayris ayaa kor udhaafaya 90 kun oo qofood iyadoo si dhaqsi ah uu cudurkan ugu faafayo waddamada dhaca bariga dhexe iyo qeybo kamid ah qaaradda yurub.

Waddanka indoniisiya ayaa diiwangaliyay kiisaskii ugu horreeyay ee laxaariira dadka uu haleeyay cudurkan waxaana maanta madaxweynaha dalka Indoniisiya ninka lagu magacaabo Joko Widhoodho uu shaaca kaqaaday wadankiisa laga helay 2 qofood oo qaba cudurka koroono faayris kuwaa haatan ladhigay isbitaallada kuyaalla dalkaasi,sidoo kale dalka quweeyt ayaa diiwaangaliyay 10 qofood oo horleh oo uu haleelay cudurka koroono faayris taasi oo kadhigeysa tirada guud ee dalkaas dadka uu haleelay 56 qofood sidoo kale taliyaaniga ayaa diiwaangaliyay tiro kor udhaafeysa kun qofood iyadoo uu sidhaqso ah kufaafayo cudurka koroono faayris.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here