Deg Deg: Dagaal Xooggan oo Ka socda Degmada Balad-xaawo

0

Dagaal xooggan ayaa ka socda degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo, wararka inaga soo gaaray Baladxaawo ayaa ku warramaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Jubaland iyo ciidankii dhawaan dowladdu geysay Degmada.

Lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas balse goobjogayaal ku sugan degaanka yaa inoo sheegay uu dagaalku khasaare ka dhashay.

wararka ayaa sheegaya in daryanka rasaasta laga maqlayo degmooyinka iyo degaanada ku xeeran degmada Balad-xaawo.

Dhawanahaan waxaa taagneyd xiisado colaadeed oo laga dareemayay degaanka, waxaana goor waliba la filan karay in uu dagaal qarxo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here