Askari Ka Tirsan Ciidan Somaliland oo Dil u Geystay Askari Kale

0

Askari ka tirsan ciidanka  Maamulka Somaliland ayaa dil iyo dhawaaca waxaa uu ka geystay degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Waxaa la sheegayaa in Askarigaan oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska  Somaliland uu dil iyo dhawaac u geystay Askar kale oo ku sugnaa degmada Ceel-Afweyn, waxaana halkaa ku dhintay mid ka mid ah Askartii Rasaasta uu ku furay Askarigu halka laba kalena ay ku dhawaacmeen.

Goobta ayuu ka baxsaday Askarigii dilka geystay sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal ku sugan degaanka, waxana ku raad jooga Ciidamada ammaanka sida ay inoo sheegen goobjoogayaal.

Wax war ah kama soobixin maamulka Somaliland o ku aaddan Askarigaan Maanta Dilka ka geystay Degmada Ceel-afweyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here