Maamulka Puntland ayaa ka hadlay isdhiibistii Hogaanka Ahlusuna Waljameeca, iyo dagaalkii labadii maalin aynu soo dhaafnay ka dhacayay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka shaqaynayso burburinta Maamul Goboleedyada qaybta ka ah hannaanka federaalka ee dalka.
“Waa nasiib-darro in Dowladda Federaalka ahi xoog u adeegsato burburinta dowladihii qaybta ka ahaa nidaamka federaalka ee dalku qaatay,waxaana ka xunahay in awood loo adeegsado Ahlu Sunada Galmudug, oo muddo dheer la dagaalameysay Al Shabaab, Gobolada Dhexe-na ay ka dhigtay mid ay amni dadkeeda ku noolloonayeen in muddo ahba”,Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

