Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax hoggaamiyaha guud ee Culamaa’u diinka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay faraha kala bexeen guud ahaan siyaasadda maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay Shiikh maxamud in aysan raalli ka noqon doonin in ay ku dul dagaalamaan dadka shacabka ah eek u dhaqan degaanada maamulka Galmudug, ayna u tanaasuleen dadka ilaalinta shacabka iyo in aan lagu du dagaalamin.
” Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hugaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono ” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.
Dowladda dhexe ayaa la wareegtay guud ahaanba goobihii ay Ahlu sunna ka maamuli jirtay degaanada Galmudug, waxaana taasi ay keentay madaxdii ugu sarreysay Ahlu Sunna ay in ay is dhiibaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

