Shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Safarkii Madaxweynaha ee dalka Jabuuti, Dib-u habaynta Amniga Magalaada Boosaaso iyo isbedelka Geeska, qaban-qaabada shirka wadatashiga reer Puntland, xaaladda Caabuqa Coronavirus, Xalaadda Ayaxa iyo xaalufinta Dhulka.
Sidoo kale waxa Golaha looga hadlay Xaaladda Gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyada oo Goluhu ansixiyey Xeerka Dowladaha hoose ee Lr.7.

