Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Ka Socda Dhuusa-Mareeb

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna oo ka socda Magaaladda Dhuusa-Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamadda Ahlusuna ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska Guriceel ay ku sugan yihiin Ciidamadda dowladda Soomaaliya.

Sida ay inoo xqqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka ka socda Dhuusamareeb ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiiisa kala duwan, sida qoryaha B10 iyo qoriga RBG.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Dhuusamareeb.

Ahlusuna iyo maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka ku soo qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here