Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ku waramaya in la toogtay Taliyihii Ciidanka Ilaalada ee Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Taliyaha la toogtay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdi Yare (Magaradow),waxaana la sheegay In meel fog laga soo toogtay sidaasna ku dhintay.
Sarkaal ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay geerida Cabdi Yare, oo lagu naaneysi jiray (Magaradow),wuxayna sheegeen in uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad u fir-fircoon.
Waxaa la sheegay in Cabdi Yare (Magaradow), uu kamid ahaa Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ee ay billo ka hor dowladda Soomaaliya geysay Magaalada Dhuusamareeb si amniga u xaqiijiyaan.

