Cabsi Xoogan ayaa ka taagan Magaalada Baladxaawo ee Gobalka Gedo ka dib Markii Duleedka Degmadaasi ay fariisin ka sameysteen Ciidamado Cusub oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta jubbaland.
Ciidamadaan ku Hubeysan Gaadiid Dagaal ayaa ka soo baxay Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose kuwasi oo maanta gaaray Degmada Baladxaawo ee Gobalka ayaa dhaqdhaqaaqo Ciidan ka Wada Duleedka Buula-xaawo sida ay noo Xaqiijieen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Degmadaas.
Xubno ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa kulan dhiirigalin ah maanta la qaatay Ciidamadaanka Cusub ee Jubbaland ay geysay Gobalka Gedo,kuwaasi Ciidamadaan ku la dardaarmay inay gacan adag ku qabtaan Amaanka Deegaanada dhaca Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee Gobalka Gedo.
Gudoomiye ku Xu Xigeenka Gobalka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Ciidanka soo gaaray Duleedka Magaaladda Baladxaawo ay yihiin ku dhawaad 50-askari oo lagu soo qaaday gaadiid uu ka mid yahay hal gaari oo Dagaalk ah, waxaa uuna Xusay inaysan Awood u la heyn qaadida Weerar ay kula Wareegaan Magaalada Baladxaawo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa Xooga dalka Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku Xigeenka oo sii hadlayey ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay gacan ka geysnayso Xiisada iyo Abaabulka Dagaal ee laga dareemayo Gobalka gedo,asagoo Xaqiijiyey in Ciidanka Kenya ay Gobalka Jubba Hoose ay ka soo galbiyeen Ciidamada Jubbaland, islamarkaan ay soo marsiiyeen Deegaano badan oo ay al-shabaab amaamusho oo ka tirsan Gobaladda Jubbada Hoose iyo Gedo,arintaas oo ku tilmaamay Fal ka hor imaanaya Saxiibtimada Soomaaliya iyo Kenya.
Sarkaal kaan u Hadlay Mamulka Gobalka Gedo ayaa sheegay inaysan Dowladda dhexe ka heysan amar ay uga hortagaan Ciidanka Juubbaland,waxaana Xusay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku Howlanyihiin sidii loo Xaqiijin lahaa amniga Degmada Baladxaawo uuna Nasiib daro ku tilmaamay Falalka ka socda dhanka Dowladda Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu amar ku bixiyey in gacanta Jubbaland lagu soo celiyey Maamulka Degmada Baladxaawo islamarkaana Ciidankiisa ay la Wareegaan gacanku heynta Degmadaan oo muhiim u ah isku Socodka Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

