Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay kafuliyeen qeybo kamid ah gobalka Jubbada dhexe ee koonfurta somalia.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in taliska mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka somalia ay duqeyn kafuliyeen qeybo kamid ah magaalada Dujuuma oo qiyaastii 6km ujirta magaalada Bu,aale ee xarunta gobalka Jubbada dhexe.
Taliska mareykanka ayaa shaaca kaqaaday in duqeyntan ay kuburburiyeen saldhig ay lahaayeen dagaalayahannada Alshabaab islamarkaana waxa ay intaasi kudareen in duqeyntaasi ay kudhaawaceen 3 xubnood oo katirsan Alshabaab kuwaasi oo kusugnaa saldhiga la beegsaday duqeynta sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliskla mareykanka ee qaaradda Africa.
Gen. Gregory Hadfield oo ah kuxigeenka agaasimaha sirdoonka taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa hoosta kaxariiqay in taliska mareykanka ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka somalia.

