Sida ay sheegayaan warar soo baxaya waxaa la go’aamiyay in lasii daayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, kaasi oo dhawaan laga reebay ragii la toogtay.
Qoyska Marxuumadd Caaisho ilyaas aadan iyo qoyska C,salaam ayaa la sheegay in ay heshiiyeen,taasina ay keentay in meesha laga saaro xukunkii dilka ahaa.
Labada dhinac, ayaa ku heshiiyay in mag la siiyo qoyska dhalay gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaana xorriyaddiisa dib loogu celiyo xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, magta lagu heshiiyay oo ah 75 neef oo geela, ayaa Hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad.
Heshiiskaan ayaa lagu dhameystiri doonaa muddo 1 bil ah,waxaana qoraal ay ku heshiiyeen loo gudbin doonaa Garsoorka Puntland.

