Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay isaga baxeyn Degmadda Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose.
Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda oo kasoo baxay deegaanka araare ay cagta mariyeen deegaanada Kaban iyo Bangaani ee Gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir.
G/le Sare Maxamed Badal, ayaa tilmaamay in howlgalkaan ay sameeynayaan Ciidamadda Guutada 11aad, Qeybta 43aad iyo Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, islamarkaasna Goobihii ay soo mareen ay kasoo saareen ilaa iyo labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab oo looga hadlaayo Howlgaladda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

