Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Ka Hadlay Weerarka Shabaab ee Qoryooley

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalkii saakay ka dhacay Deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-Shabaab, ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhigyadda Qoryooley, iyo Deegaanka Ceel-saliini ee Duleedka Magaaladda Marka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose,markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

Ciidamada oo ka feejignaa weerarka Al-shabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen Alshabaab,balse jab xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalyahano Shabaab lagu qabtay Deegaanno hoostaga degmada Qoryooley ku qabsadey dhowr deegaan,waxaana kamid ah deegaanada Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here