Ciidamo Hurudhac u ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shabaab oo Dagaalamay

0

Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Daraawiishta Jubbaland iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Qooqaani oo qiyaastii 150km u jirta magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo  kuna sii jeeday magaalada Dhoobley ayaa dagaal la galay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka degaanka Qooqaani.

Ciidamadda daraawiishta Jubbaland ayaa horudhac u ahaa Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan ku wajahan Magaaladda Dhoobley.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab iyo sidoo kale 2 askari oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Jubaland kuwaasi oo gaarigii ay saarnaayeen miino la kacday halka 2 askari oo kalena ka dhaawacmeen Jubaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here