Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka banaadir ayaa Xukun Zinu ah ku fulisay wiil iyo Gabar ismasaafaystay iyagoo aan horay wax guur ah usoo marin.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Mid kamid ah xaafadaha Magaaladda Muqdisho,sida Shabaab ay sheegeen.
Sida Shabaab ay sheegeen Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun min 100 Jeydal ah ku fulisay gabar iyo wiil iska zinaystay.
Max’med Abuukar oo ah aabaha dhalay gabadha Qaali Max’med ayaa dacwaystay gabadhiisa iyo wiil lagu magacaabo Saalim Xasan Abuukar kadib markii uu gabadhiisa kala baxsaday Muqdisho uuna geeyay deegaanka Golweyn ee Sh/Hoose iyagoo aan wax nikaax ah marin ayay labadan qof gogol dhaaf sameeyeen.

