Mareykanka oo Sheegay in La Duqeeyay Saldhig Shabaab Ku Lahaayeen degmada Jilib

0

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn ay sheegeen in dhawaan ay ka fuliyeen qeybo kamid ah koonfurta somalia gaar ahaan degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe duqeyntaasi oo ay sheegeen in ay fuliyeen 6 bishan aynu ku gada jirno.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in taliska mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka somalia in ay 2 duqeyn ay labartilmaameedsadeen saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen degmadda Jilib ee gobalka Jubbada dhexe waxaana ay intaas kudareen in duqeyntaasi ay ku dileen 1 xubin oo katirsan Alshabaab islamarkaana ay ku dhaawaceen 2 xubnood oo katirsan Dagaalyahannada Alshabaab.

Taliska mareykanaka ee qaaradda Africa ayaa shaaca ka qaaday in wax khasaare ah aysan soo gaarain dad shacab ah sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha kadhanka ah Alshabaab ee uu kafulinayo koonfurta somalia tan iyo markii lagudagalay sanadda cusub ee 2020 waxaana tan iyo bishii janaury ay diyaaradaha dagaalka mareykanka ay fuliyeen inkabadan 10 duqeymo kuwaasi oo ay kafuliyeen intabadan koonfurta somalia.

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here